Hooyo codeyneysa oo fool ku qabatay magaalada Hargeysa

Iyadoo kumanaan ruux saaka ay u dareereen goobaha cod bixinta gobolada Maamulka la magac baxay Somaliland ayaa laga soo sheegayaa arrimo ku cusub doorashada Somaliland.

Dadka oo si weyn ugu soo baxay codbixintan ayaa safaf dhaadheer u galay sidii ay codkooda ku dhiiban lahaayeen,waxaana dadkaa ka mid ahaa haween faro badan oo iyagu codkooda dhiibtay.

Mid ka mid ah xaafadaha magaalada Hargeysa ayaa waxaa ay fool ku qabatay gabar dooneysay inay codeyso waxayna ku umushay wiil.

Hooyadan ayaa waxaa goobta ay ku umushay ee la geeyay ku soo booqday mid ka mid ah musharaxiinta xaafada ay ka codeyneysay kaasoo ay ugu magac dartay wiilkii ay dhashay.

Afhayeenka xisbiga Wadani Barkhad Batuu ayaa ka mid ah musharaxiinta golaha wakiilada waxaana si weyn loo aaminsan yahay inuu heli doono kursiga waxana uu ka mid yahay dadka sida weyn u ololeynayay maalmihii la soo dhaafay.

Markii ugu horraysayna waxaa tartanka doorashada ka qeybgalaya xubno ka soo jeeda beelaha laga tirada badan yahay ee Somaliland.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More