Hooyo uu wiilkeedu rasaas ku dhuftay macalimadiisa oo qiratay inay dambi gashay

Aug. 15 (Jowhar.com)-Warbaahinta dalka Mareykanka ayaa sheegtay in Hooyada dhashay wiil lix jir ah oo macalinkiisa ku toogtay iskuul ku yaala gobolka Virginia ee dalka Mareykanka ayaa qiratay dambiga lagu soo oogay ee ah in ay dayacday carruurteeda.

Deja Taylor, oo 26 jir ah, ayaa qiratay dambiga iyada oo qayb ka ah heshiis lala galay dacwad oogayaasha si loo yareeyo xukun lix sano ah oo noqonaya ilaa lix bilood.

Wiilkeeda ayaa toogtay Abigail Zwerner, oo macalin ka ah Dugsiga Hoose ee Richneck ee magaalada Newport News, 6dii Janaayo ee sanadkan. Xukunka Taylor ayaa loo qorsheeyay in lagu dhawaaqo 27 Oktoobar.

James Ellenson, oo ah qareenka Taylor, ayaa sheegay in macmiilkiisu uu weli ka qoomameynayo, inkasta oo uu aaminsan yahay in waqti xabsi ah uusan noqon doonin xukunka ku habboon.

Taylor waxa ay hore u sheegtay booliiska in ay aaminsantahay in qoriga uu ku jiray shandaddeeda, laguna xiray quful iyo in furaha qorigu uu ku hoos jiro joodariga qolka jiifka.

Kaaliyaha Xeer Ilaaliyaha Guud ee Newport News Commonwealth ayaa u sheegay maxkamada in wiilka lix jirka ah uu ka qaatay qoriga boorsada hooyadiis, sida laga soo xigtay Washington Post.

Toogashada wiilkan lix jirka ah ayaa qabsatay cinwaanada ugu waaweyn warbaahinta caalamka waxayna sababtay in ammaanka xarumaha waxbarashada iyo hayashada hubkaba la fekero.

Macalimada ayaa waxa ay xabadaha ugaga dhaceen gacanta iyo laabta taasoo keentay in isbitaal la seexiyo toddobaadyo laguna sameeyo qalliinno badan.

Waxay gudbisay $40m (£31.4m) dacwad ka dhan ah dugsiga degmada horaantii sanadkan. Ilmaha oo lix jir ah ayaa la sheegay in uu qirtay inuu dhaawacay macalimadiisa; “Aniga ayaa sameeyay,waxaan helay qoriga hooyaday xalay”, wax yar ka dib toogashada ayuu sheegay wiilkan oo aan wax dacwad lagu soo oogin.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More