Horjooge ka tirsan kooxda Al-shabaab oo lagu dilay goblka Hiiraan

0
60

Nov 13(Jowhar)-Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in deegaanka Mabaax lagu dilay mid ka mid ah hor-joogeyaasha ugu halista badnaa ee kooxda Al-Shabaab, kaasoo lagu magacaabi jiray Cali Qoyane.

Sida ay xaqiijiyeen ilo amni, Cali Qoyane wuxuu ahaa shaqsi si weyn looga yaqaan gobolka, gaar ahaan falkii foosha xumaa ee lagu gubay dad rayid ah oo saarnaa gaadiid ku socday deegaanka Afar Irdood ee isla gobolka Hiiraan.

Saraakiisha deegaanka ayaa sheegay in Macawiisleyda Hiiraan ay fuliyeen howl-gal gaar ah oo qorshaysan, kaasoo sababay in lagu dilo Cali Qoyane iyo xubno kale oo la socday.

Cali Qoyane ayaa sidoo kale lagu eedeeyay inuu ku lug lahaa falal argagixiso oo lagu beegsaday dad muhiim ah oo Soomaaliyeed, kuwaas oo ay bulshada Hiiraan muddo dheer ka xusuusan doonaan ficilladiisii gumaadka iyo cabburinta shacabka.

Ciidamada deegaanka ayaa ku dhawaaqay inay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, iyagoo sheegay in aysan joojin doonin ilaa laga cirib tiro kooxaha amni-darrada ka wada gobolka.