Hormuud Salaam Foundation oo $50,000 ugu deeqday Abaaraha ka jira Gobolka Gedo.

Hormuud Salaam Foundation oo looga bartey ineey gacan ka geeysato xaaladaha adag ee lasoo gudboonaado dadka Soomaaliyeed ayaa Maanta $50,000 oo dollarka Mareykanka ah Ugu Deeqday Gurmadka Abaaraha ee ka jira Gobolka Gedo.

Horrmuud Salaam Foundation waxaa aay 50,000 oo doolarka mareekanka ku wareejisay Al-Raxma Foundation oo oo ah hey,ad maxali ah oo ka shaqeysa GOBOLKA GEDO, haatana Biyo dhaamin iyo gurmad ka wada Godolka GEDO.

Munaasanad lacgtaasi lagu wareejinayay ayaa maanta lagu qabtay Xafiiska Hormuud Salaam Foundation ee magaalada Muqdisho. Ugu horeyn waxaa munaasabada ka hadlay Maamulaha Hormuud Salaam Foundation Cabdullaahi Nuur Cismaan oo tilmaamay in gurmadkan uu qeyb ka yahay Kaalamada Hormuud Salaam Foundation markastaa la garab taagan tahay dadka Soomaaliyeed

Wuxuuna sheegey inaanay deeqdan noqon midii ugu danbeeysey, horayna aay gacan uga geysan jireen markastaa oo xaalad adaga kasoo gudboonaato Gobolka Gedo, wuxuuna ugu baaqay dadka Soomaaliyeed ineey ka qeybqaataan gurmadka.

Madaxa fulinta Al-Raxma Foundation Maxamed Aadan Waadi ayaa gudoomay lacgta 50-kan ee doolark mareekanka oo Hoormuud SaaamFoundation ay ugu talagashay dadka ay saameeyeen abaaraha iyo biyada la’aanta ka jirta Gobolka Gedo wuxuuna uga mahad celiyay Hormuud Salaam Foundation sida ay uga jawaabtay baahida ka jirta gobolka gedo wuxuuna ka codsaday dadka soomaliyeed gaar ahaan ganacsada inay ka qeyb qaataan u gurmashada dadka walaaleheen ah ay abaaruhu saameeyeen.

Hormuud salaam foundation ayaa aalaaba gacan weyn ka geysata kaqeyb qaadashada ugurmashada shacbiga soomaaliyeed xiliyada ay soo wajahaan abaaraha.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More