Hormuud Salaam Foundation oo deeq lacag ah gaarsiisay haween dan yar ah oo ku nool magaalada Muqdisho

Mar. 29 (Jowhar.com)-Munaasabad ka dhacday xarunta horumarinta haweenka SWDC oo hormuud salaam foundation ayaa lacago lagu gudoonsiisay haweenka dan yar ah oo ku dhaqan magaalada Muqdisho.

Gudoomiyaha xarunta harumarinta haweenka SWDC Sahra Mohamed Ahmed oo halkaasi ka hadashay ayaa Hormuud Salaam Foundation uga mahadcelisay u gargaarida ay mar walba u taagan yihiin iyo caawinta haweenta danta yarta ee aan waxba haysan.

Raaxo Xusen Xirsi oo ah Ku xigeen Hormuud Salam Foundation ayaa ka hadashay munaasabada haweenkaasi loogu guddoonsiiyay deeqda lacagta iyo weliba timirta, waxayna sheegtay in deeqdan ay ugu talagaleen in haweenka danyarta ay kaalmo u noqoto, inta lagu guda jiro bisha Ramadan.

Qaar ka mid ah haweenka la siiyay kaalmada oo la hadlay warbaahinta ayaa u mahadceliyay hormuud salaam foundation iyagoo uguduceeyay in xoolohooda Alle u barakeeyo.

Hormuud Salaam Foundation ayaa dardargelinaysa caawinta dadka danta yar iyo kuwa baahiyaha gaarka qaba, iyadoo hay’addu marka la gaaro bisha barakeysan ee Ramadan, ay fuliso mashaariicda noocan oo kala ah, waana xilli ay hay’addu waddo barnaamijyo dadka masaakiinta ah lagu afursiiyo.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More