Hormuud Salaam Foundation oo Deeq Lacag u qeybisay Haween Danyar ah

Apr. 01 (Jowhar.com)-Hay’adda Hormuud Salaam Foundation ayaa deeq lacageed iyo timir loogu talagalay in ay ku afuraan haweenka danta yar iyo kuwa baahiyaha gaarka qaba.

waxa ay gaarsiisay haween ka kala socday 17ka degmo iyo sadexda deegaan ee gobolka banaadir taasoo qeyb ka ah barnaamijka Afurinta ee Hormuud Salaam Foundation.

Ugu horeyn waxaa Munaasanadda qeybinta deeqdan ka hadlay Maxamuud dheere oo ah gudoomiye ku xigeenka arimaha bulshada degmada Xamar Jajab ee gobolka Banaadir kaasi oo Hay’adda HSF uga mahad celiyay deeqdan.

Gudoomiye ku xigeenka Hormuud Salaam Foundation Raaxo Xuseen Xirsi ayaa sheegtay in deeqdan hay’adda Hormuud Salaam Foundation ay ugu tala gashay in ay ku afuraan haweenka danta yar ee aan waxba haysanin

Qaar kamid ah gudoomiyayaasha ururada haweenka degmooyinka oo ka hadlay munaasanadda ayaa dhankoda umahad celiyay Hormuud Salaam Foundation.

Guddoomiyaha ururka haweenka Gobolka Banaadir Jawaahir baarqab ayaa sheegtay  in Hormuud Salaam Foundation ay mar waliba garab taagantahay dadka danta yar.

Dadkii ka faa’ideystay deeqdan ayaa umahad celiyay Hay’adda HSF iyaga oo tilmaamay in ay kusoo aaday xiligii ay u baahnaayeen.
Hay’adda Samafal ee Hormuud Salaam Foundation ayaa bil kaata oo Ramadaan waxa ay qabataa Barnaamij ay ku afutineyso dadka danta yar, kuwa dhimirka la iyo kuwa baahiyaha gaarka qaba.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More