Hormuud Salaam Foundation oo deeq lacageed gaarsiisay Xarunta Maama Ugaaso

April 17 (Jowhar.com)–Hormuud Salaam Foundation ayaa deeq lacageed waxa ay gaarsiisay xarunta Maama Ugaaso oo lagu xanaaneeyo Caruur laga soo kala aruuriyay wadooyinka magaalada Muqdisho kuwaasi oo ahaa darbijiif.

Deeqdaan lacageed ayaa hay’adu ugu talagashay in wax loogu qabto baahiyaha ka jira xarunta oo lagu daryeelo caruurta danyarta ah oo ku taala magaalada Muqdisho.

Gudoomiye Ku xigeenka hay’ada Hormuud Salaam Foundation Cabdiraxmaan Ibraahim Cilmi kobac oo ka hadlay munaasabada deeqda lacagta ayaa sheegay in lacagtan loogu talagalay in wax looga qabto xarunta maadaama lagu jiro bisha barakeysan ee ramadaan.

Siraad Maxamed Nuur Maamo Ugaaso oo xanaaneesa caruurtan ayaa kaga mahadcelisay hay’adda Hormuud Salaam Foundation deeqda lacageed oo ay soo gaarsiisay iyadoo tilmaamtay inay tahay hey’ada kaliya ee soo xasuusatay marka la gaaro bisha barakeysan ee ramadaan.

Hormuud Salaam Foundation waxaa maalmihii la soo dhaafay ay ka wadeen gudaha Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho, waxaana ay ka faa’iideysteen dad aad u fara badan, Barnamijka Taakuleynta iyo Afurinta Bisha Ramadaan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More