ICRC oo shaacisay tirada maxaabisita ciidamada Somaliland looga qabsaday dagaalka Laascaanood

Sep 01 (Jowhar.com)-Hay’adda caalamiga ah ee Laanqayrta Cas (ICRC) ayaa sheegtay in 43 mayd laga soo ururiyey toddobaadkii lasoo dhaafay jiidda hore ee dagaalladii ugu dambeeyey ee ka dhacay magaalada Laascanood.

Qoraal ka soo baxay ICRC ayaa lagu sheegay in Somaliland iyo xoogagga SSC-Khatumo ay dagaalka ku kala qabsadeen boqolaal maxaabiis ah, iyadoo ICRC ay soo booqatay 300 oo maxbuus oo xooggaga Khatumo ay qabteen,waxa ayna xustay hay’adda in maxaabiista ku jiraan kuwa dhaawacyo qaba.

Hay’adda ICRC ayaa sheegtay in muhiim tahay in maxaabiista lakala heeso loola dhaqmo si bini’aadannimo ku jiro, sidoo kale helaan cunto iyo biyo lagana ilaaliyo in lagula kaco tacadiyo ka dhan ah bini’aadannimada.

Xaalada magaalada Laascaanood ayaa degeneyd tan iyo markii dagaal xoog leh uu ka dhacay toddobaadkii hore,hase yeeshee waxaa jira cabsi laga qabo in markale uu dagaal ka dhaco halkaas.

Ciidamo faro badan ooka socda maamulka Somaliland ayaa maalmihii la soo dhaafay waday diyaargarow ay ku doonayaan in markale ay la wareegaan maamulka magaalada Laascaanood.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More