Wednesday, August 12, 2026
Home NEWS Ilhan Omar oo ku guulaysatay doorashada hordhaca ah ee xisbiga Dimuqraadiga

Ilhan Omar oo ku guulaysatay doorashada hordhaca ah ee xisbiga Dimuqraadiga

0

Aug 12 (Jowhar)-Xildhibaan Ilhan Omar ayaa ku guuleysatay doorashada hordhaca ah ee xisbiga Dimuqraadiga ee Degmada 5-aad ee Congress-ka ee gobolka Minnesota maalintii Talaadada Sida ay sheegeen saadaasha warbaahinta Mareykanka.

Ilhan Omar, oo ah xildhibaanad ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga oo markeedii afraad u tartamaysa matalaadda degmo xarunteedu tahay magaalada Minneapolis, ayaa heshay in ka badan 80% codadkii la dhiibtay iyadoo la tartamaysay musharrixiin dhowr ah, sida ay baahisay CBS News.

Iyadoo la tiriyay in ka badan 95% codadka, natiijooyinka aan rasmiga ahayn ayaa muujiyay in Omar ay hoggaaminayso iyadoo heshay 122,640 cod, waxaana ku xigay Julie Trang Le oo heshay 10,201 cod iyo Latonya T. Reeves oo heshay 9,131 cod, sida ay qortay jariiradda New York Times.

Dadkii la tartamayay Omar ee doorashada hordhaca ah ee xisbiga Dimuqraadiga waxaa ka mid ahaa Le (oo hore u soo noqotay dacwad-ooge heer federaal ah), Reeves, Abena McKenzie, iyo Nate Schluter. Dhanka doorashada hordhaca ah ee xisbiga Jamhuuriga ee kursigaas, waxaa la saadaaliyay inuu ku guuleysanayo John Nagel.