Ilmo yar oo laga soo saaray caloosha hooyadii oo duqeyn lagu diley Rafah

April 22 (Jowhar.com)-Gabar yar ayaa ku dhalatay qalliin degdeg ah oo lagu qalay dhalmada kadib markii hooyadeed oo uur lahayd lagu dilay duqeyn ay Israa’iil ka geysatay Qaza.

Sabreen al-Sakani, oo 30 toddobaad uur leh, ayaa iyada iyo ninkeeda iyo gabadheeda oo afar jir ah ay dhinteen kadib markii gurigooda ay duqeeyeen ciidamada Israa’iil waxyar ka hor saqdii dhexe ee Abriil 20.

Hooyada geeriyootay ee Sabreen waxay ku jirtey habeen iyo maalin cabsi joogto ah, laakiin waxay rajaynaysay in nasiibka qoyska uu sii jiri doono ilaa dagaalku ka dhammaanayo.

Nasiibkaas waxa uu ku lumay guuxa iyo dabkii qarax saacad ka hor saqdii dhexe ee 20-kii Abriil.
Israa’iiliyiinta ayaa bam ku tuuray guriga qoyska al-Sakani ee Rafah halkaas oo Sabreen, oo ay weheliso ninkeeda iyo gabadhooda Malak oo saddex jir ah ay hurdeen.

Sabreen waxaa soo gaaray dhaawac aad u badan, waxaana la dilay ninkeeda iyo Malak, laakiin cunuga yar ayaa weli noolaa kaasoo ku jiray caloosha hooyadeed markii shaqaalaha gurmadka ay gaareen goobta.

Waxay Sabreen ula carareen cusbitaalka, halkaas oo ay dhakhaatiirtu ku sameeyeen qalliin degdeg ah si looga soo saaro ilmaha.

Gabadha yar ayaa hadda la geliyey qalabka caruurta aan waqtigooda dhamaysan lagu xanaaneeyo.
Sabreen way badbaadi weyday balse dadaal kadib waxaa lagu guuleystey in gabar nool laga soo saaro caloosheeda.

“Waxay ku dhalatay ciriiri xagga neefsiga ah oo aad u daran,” ayuu yiri Dr Mohammed Salama, madaxa qaybta degdegga ah ee dhallaanka ee cisbitaalka Emirati ee Rafah.Laakin canuga – oo miisaankiisu ahaa 1.4kg (3.1 rodol) – ayaa ka badbaaday dhibaatadii ay ku dhalatay.

Dhaqtarka ayaa warqad ku qoray ereyga “ilmaha ay dhashay shuhadada Sabreen al-Sakani” wuxuuna ku dhejiyay jirkeeda. Kadibna waxaa la geliyey qalabka carruurta lagu xanaaneeyo.

“Waxaan dhihi karnaa waxaa jira xoogaa horumar ah oo laga gaaray xaaladdeeda caafimaad,” Dr Salama ayaa yiri.
Dhakhtarku waxa uu filayaa in ay cisbitaalka ku sii jirto ilaa hal bil.

Ma jirin waalid u haray magaca ilmaha. Walaasheed dhintay Malak waxay rabtay in loogu yeero Ruuxa, oo macneheedu yahay naf ama ruux Carabi. Laakiin waxaa loo bixiyay Sabreen, iyadoo lagu xasuusto hooyadeed.

Xubnaha qoyska ee badbaaday ayaa isugu soo ururay cusbitaalka, iyagoo dhexda u galay sidii nolol qoys oo cusub loogu abuuri lahaa ilmo agoon ah Sabreen.

Adeerka ilmahan yar oo lagu magacaabo Rami al-Sheikh ayaa sheegay in aabaheed uu kala shaqayn jiray timo-jare.
“Maxay khaladkooda leeyihiin, qoys dhan ayaa laga tirtiray diiwaanka madaniga ah, ka kaliya ee ka badbaaday waa gabadh yar?” ayuu weydiiyey.

Axalam al-Kurdi, oo hooyada dhashay Sabreen aabaheed ayaa ballan qaaday inay korsan doonto ilmaha. “Iyadu waa jacaylkayga, naftayda, waa xusuusta aabbaheed, waan daryeeli doonaa iyada.”ayay tiri.

Wasaaradda caafimaadka ee Xamaas ay maamusho ee Gaza ayaa sheegtay in 34,000 oo qof oo lagu dilay Gaza tan iyo markii uu dagaalku billowday 7-dii Oktoobar, ugu yaraan saddex-meelood laba meel ay yihiin haween iyo carruur.

Israa’iil ayaa weerarkeeda billowday ka dib markii ku dhawaad ​​1,200 oo Israa’iiliyiin ah iyo ajaanib – oo u badnaa rayid – la dilay 253 kalena dib loogu celiyay Qaza iyagoo afduub ahaan u haysta, sida ay sheegtay Israa’iil.

Milatariga Israel ayaa ku adkeysanaya in aysan bartilmaameedsanin dadka rayidka ah, waxaana ay Xamaas ku eedeeyeen in shacabka ay u adeegsadaan gaashaan bani’aadanimo.

Weerarkii cirka ee Israa’iil ee Rafah habeenimadii 20-kii Abriil ayaa sidoo kale lagu dilay 15 carruur ah oo ka tirsan qoyska ballaaran ee al-Aal.

Aabaha dhowr ka mid ah carruurtan oo lagu magacaabo Abed al-Aal, ayaa sheegay in la tirtiray aqoonsigiisa, maadaama dhammaan carruurtiisa iyo xaaskiisa la dilay.

“I tus hal nin oo iyaga ku jira. Dhammaantood waa carruur iyo dumar,” ayuu yiri.

Bayaan ay soo saartay militariga Israa’iil duqeymaha kaddib ayaa lagu yiri: “Waqtiyada la soo dhaafay, IDF waxay weerartay dhowr bartilmaameed oo millatari oo ururada argagixisada ah ee Gaza oo ay ku jiraan xeryo ciidan, fariisimo iyo argagixiso hubeysan.”

Hadda waxaa Rafah lagu qiyaasay 1.4 milyan oo qof oo ay ciidamada difaaca Israa’iil u sheegeen in ay koonfurta u guuraan si badbaadaan bilowgii dagaalka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More