Imaaraadka Carabta oo deeq gargaar ah soo gaarsiiyay dowlada Soomaaliya

Wasiirka Gargaarka iyo Mareeynta Musiibooyinka Dowladda Federaalka Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa ka guddoontay safiirka Imaaraadka Carabta deeq gargaar ah.

Gargaarkan oo ah shixnadii saddexaad oo ka timaada Imaaraadka Carabta ayaa loogu talagalay dadka ay abaaraha ku saameeyeen dalka.

Wasiir Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa Dowladda Imaaraatka uga mahadcelisay doorkooda ku aadan xaaladdaha Bini’aadanimo ee dalka ka taagan.

Gargaarka Imaaraadka Carabta uu soo gaarsiiyay dowlada Soomaaliya ayaa waxa ay ku soo aadayaan xilli abaaro ba’an ay ku dhufteen guud ahaan Soomaaliya.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More