Imaaraadka Carabta oo gargaar ka soo dejisay magaalada Muqdisho

Wasiirka gargaarka Xukuumada Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye oo ay wehliyaan xubno ka tirsan guddiga Qaran ee Abaaraha ayaa kala wareegay shixnad gargaar kala duwan dowladda Imaaraadka Carabta.

Wasiir Khadiija ayaa ugu mahad celisay dowladda Imaaraadka Carabta garab istaagga walaalaheeda Soomaaliya iyo dadka ay abaaruhu waxyeelleeyeen.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo dhawaan booqday wadanka Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa ka codsaday dowlada Imaaraadka inay ka qeybqaadato gargaarka dowlada Soomaaliya loo fidinayo ee dhinaca abaaraha ah.

Shixnaddii labaad ee raashin gargaar ah ayay maanta dowladda Imaaraadku soo gaarsiisay Soomaaliya taas oo loogu tala galay dadka abaaruhu saameeyeen.

Qaramada Midobay ayaa sheegtay in malaayiin ruux ay cunto la’aan ku soo wajahayso dalka Soomaaliya sababo la xiriira abaaraha.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More