Imaaraadka Carabta oo soo dhaweeyay raaligelinta Ra’iisul Wasaare Rooble ee lacagta lagala wareegay

Imaaraatka Carabta ayaa soo dhoweeyay raaligelintii uu Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ka bixiyay dhacdadii 2018-kii ee lagala wareegay lacagihii iyo kaalmooyinkii loogu talagalay in lagu taageero shacabka Soomaaliyeed markii ay kasoo degeen garoonka diyaaradaha Muqdisho, sida ay shaacisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda UAE.

Tallaabadan ayaa timid kaddib markii wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare Rooble ay booqasho rasmi ah ku tageen Imaaraadka Carabta oo ay kula kulmeen Madaxda dalkaas.

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa 7dii bishii Janaayo ee sanadaka raali galin ka bixiyay dhacdadii dowladda Imaaraadka Carabta loogala wareegay lacag gaareysay sagaal Milyan bishii April ee sanadkii 2018, taasoo lagu qabtay gudaha garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Maxamed Xuseen Rooble Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo weli ku guda jira booqasho uu ku joogo wadanka Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa la kulmay Madaxweyne kuxigeenka ahna Ra’iisul Wasaaraha Imaaraadka Carabta, Wasiirka Gaashaandhigga iyo Amiirka Imaarada Dubai Sheikh Mohamed Bin Rashed Al-Maktoum iyo Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Imaaraadka Carabta Mudane Shakhbout Bin Nahyaan., iyaga oo ka wada hadlay xiriirka labada dal iyo iskaashiga.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More