Imaaraatka Carabta oo shaaciyay khasaaraha kasoo gaaray weerarkii Muqdisho

Feb 11 (Jowhar.com)-Wasaaradda Gaashaandhigga Imaaraadka Carabta ayaa shaaca ka qaaday in shahiideen saddex ka mid ah ciidamadeeda qalabka sida iyo askari ka tirsan Ciidanka Difaaca Baxreyn iyo dhaawaca labo kale fal argagixiso oo ka dhacay magaalada Muqdisho.

Imaaraadka ayaa xaqiijiyay in ciidankaas ay u joogeen Soomaaliya waajibaad shaqo oo ah tababarka iyo tayeynta Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, kaas oo qeyb ka ah heshiiska laba geesoodka ah ee Imaaraadka iyo Soomaaliya ee Qaab-dhismeedka iskaashiga milatari ee labada dal.

Dowladda Imaaraadka ayaa sheegtay inay sii wadi doonaan wada shaqaynta iyo iskaashiga ay la leeyihiin dowladda Soomaaliya ee lagu baarayo fal-dambiyeedkaas argagixisinimo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More