Imaaraatka Carabta oo wadahadal ka dhex bilaabay Deni, Madoobe iyo Xasan Sheekh

0
135

Sep 09(Jowhar)-Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdilaahi Deni ayaa maanta u safray dalka Imaaraadka Carabta oo mudooyinkii danbe ahaa saaxiibka koowaad ee Puntland.

Socdaalka Madaxweynaha oo aan warbaahinta lala wadaagin wuxuu kusoo beegmayaa xili uu hore dalkaas ugu sugnaa Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) oo hadda ay xulufo siyaasadeed yihiin Madaxweyne Deni.

Sida warar hordhac ah ay tilmaamayaan, Dawlada Imaaraadka ayaa u kala dab qaadayso Villa Somalia iyo Madaxda Puntland iyo Jubbaland. Arintan waxay ka dhalatay kulan dhowaan Muqdisho ku dhexmaray Wasiiru Dawlaha arrimaha dibadda ee Imaaraadka Carabta iyo Madaxweynaha Soomaaliya.

Dawlada Imaaraadka ayaa Madaxweyne Siciid Deni iyo Madaxweyne Axmed Madoobe ku qancinaysa inay wada hadal la furaan Madaxweyne Xasan Sh Maxamuud.