IMF oo ka digtey in mushaaraadka ciidamada Soomaaliya aysan bixin doonin kadib Bisha May

Madaxa hay’adda lacagta adduunka ee IMF ee dalka Soomaaliya Laura Jaramillo ayaa kadigtay inay joojin doonaan lacagaha ay ku taageeraan mushaaraadka ciidamada iyo adeegyada kale ee muhiimka ah ee Soomaaliya bisha May haddii dib u dhac kale uu ku yimaado doorashada dalka Soomaaliya.

IMF ayaa tan iyo sanadkii 2017dii ka caawinaysay dowlada Soomaaliya bixinta mushaaraadka ciidamada iyo shaqaalaha dowlada iyadoo miisaaniyada saddexda sano ah ee hadda socda, oo ku kacaya ku dhawaad ​​400 oo milyan oo dollar.

Laura Jaramillo, oo ah madaxa IMF ee Soomaaliya, ayaa u sheegtay Reuters in barnaamijku si toos ah uu u dhamaanayo haddii aysan jirin dowlad cusub oo lagu soo gabagabeynayo dib u eegisteeda 17ka May.

“Waxay saameyn ku yeelan doontaa shaqada dowladda waxayna yeelan kartaa saameyn ballaaran,” ayay tiri, iyada oo tixraacaysa khatarta ah in doorashooyinka dib u dhacu ku yimid ay ku dhamaan waayaan wakhtiga lagu cusbooneysiinayo heshiiska.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Beileh, ayaa hase ahaatee diiday oo ku gacan seyray walaacaas.

“Waxaan ku kalsoonahay in doorashada lagu soo gabagabeyn doono waqtigeeda si aysan saameyn ugu yeelan barnaamijka dib u habeynta,” ayay tiri. “Ma jiraan caqabado waaweyn oo ku aaddan buuxinta shuruudaha IMF ilaa hadda, waxna ma filaynno.”

Doorashada ayaa la qorsheeyay sanad ka hor balse dib u dhac ayaa ku yimid markii Madaxweyne Maxamed C/llaahi Maxamed uu isku dayay inuu labo sano ku kordhiyo mudada afarta sano ah, taasi oo uu Baarlamaanka ka hor yimid.

Codeynta xildhibaanada – kuwaas oo markaas dooran doona madaxweynaha – waxay bilaabatay 1-da Noofambar. Waxay ahayd inay dhammaato 24-ka Diseembar, laakiin hadda waxaa laga yaabaa inay dhammaato Febraayo 25.

Dib u dhacan oo ay uga sii dartay khilaaf bilihii lasoo dhaafay u dhaxeeyay madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha ayaa durba saameyn ku yeeshay dhaqaalaha.

IMF ayaa sheegtay in Soomaaliya ay filaysay 170 milyan oo doolar oo lagu taageerayo miisaaniyadda sannadkii hore balse kaliya ay heshay $38 milyan. .

Hay’ada Lacagta Adduunka IMF ayaa sidoo kale hakin doonta deyn cafinta Soomaaliya, Sida ku cad heshiiska 2020 ee ay ansixiyeen Bangiga Adduunka iyo IMF, deynta Soomaaliya waxaa laga dhigay $3.7 bilyan oo u dhiganta 63% GDP, halka ay ka ahayd $5.2 bilyan ama 89% GDP.

Haddii la dhammeeyo sanadka soo socda, deyntu waa inay hoos ugu dhacdo $557 milyan ama 6% wax soo saarka guud ee gudaha.

“Waa deyn cafis cajiib ah, Soomaaliyana waxay ku dhowdahay inay gaarto hadafkaas,” ayay tiri Jaramillo.

Dhaqaalaha Soomaaliya ayaa kordhay 2% sanadkii hore, sida ay tiri IMF, taas oo ay ugu wacantahay tahay xawaaladaha oo kordhay iyo suuqyo cusub oo loo dhoofiyo badeecadaha. Waa inay kordhisaa 3.2% sanadkan haddii caqabadaha siyaasadeed la xaliyo, sanduuqa ayaa sidaas aaminsan.

Marka laga reebo taageerada miisaaniyada, barnaamijka IMF waxa uu sidoo kale u ogolaanayaa la-hawlgalayaasha kale ee horumarinta in ay dhaqaale u fidiyaan Soomaaliya.

Barnaamijka deyn cafinta ayaa u suurtageliyay dowladda in ay waddo qorshe lacag caddaan ah loogu wareejinayo qoysaska nugul ee la dagaallamaya abaaraha, COVID-19 iyo amni-darrada.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More