IMF oo warbixin ka soo saartay Heerkii ugu dambeeyay ee Deyn Cafinta Soomaaliya

Sep 22 (Jowhar.com)-Hey’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa soo gabagabeysay, shirar iyo wadahadlo muhiim ah oo ay la yeesheen magaalada Nairobi ee dalka Kenya Xukuumadda Federaalka Soomaaliya intii u dhexeysay September 11-21,2023,kuwaasi oo xoogga lagu saaray hannaanka dib u eegistii 6aad ee Barnaamijka ECF ee Deyn Cafinta Soomaaliya.

Warbixinta ay soo saartay Hey’adda Lacagta Adduunka IMF ayaa lagu shaaciyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay dhammaan heerkii ugu wanaagsan ay ka gaartay halbeeg dib-u-habeynta Maaliyadda iyo barnaamijka lagu qiimayo Sharuudaha Deyn cafinta ee loo soo gaabiyo ECF ( Extended Credit Facility). IMF waxa ay soo sidoo kale si wayn u bogaadisay hirgelinta shuruucda dib-u-habeynta Maaliyadeed ee lagu gaaray dadaalada Deyn Cafinta Soomaaliya.

Hey’adda Lacagta Adduunka ee IMF waxa kale po ay sheegtay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay guullo wax ka gaartay arrimaha dib-u-habeynta Maaliyadda, sare u qaadidda dakhliga gudaha, Dowlad wanaagga iyo nidaamka Maamulka Guud ee Maaliyadda dalka.

“Soomaaliya waxa ay sii wadday in ay horumar wax ku ool ah ka samaysay dib- u- dhiska Hey’addaha Maaliyadeed iyo horumarinta dhaqaalaha. Inkastoo oo ay jireen caqabado muuqada, haddana Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horumar la taaban karo ka samasay hannaanka hirgelinta barnaamijka ECF ee taageera gaarista dhammaystirka Deyn Cafinta Soomaaliya ee dhammaadka bisha December, 2023”. Ayaa lagu yiri warbixinta ka soo baxday IMF.

Dhinaca kale Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya,Mudane Biixi Iimaan Cige oo soo saaray qoraal kooban ayaa soo dhaweeyay Warbixinta IMF ee hannaanka dib-u-eegista 6-aad. Sidoo kale Wasiirka Maaliyadda ayaa balan qaaday in Dowladdu ay ka go’an tahay sii wadiidda iyo joogteynta hannaan walba oo lagu horumarinayo dhaqaalaha Soomaaliya

IMF waxa ay sidoo kale shaacisayn in Soomaaliya ay hadda heerkii ugu dambeeyay hanaanka mudda dheer soo socday ee Geediga Deyn Cafinta Soomaaliya ay hadda u gudbisay Guddiga Sare ee Hey’adda IMF si ay go’aan kama daymbasay ah uga gaaraan in Soomaaliya Deyn Cafintii ugu dambeysay ay gaartay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More