Jul 16 (Jowhar) Maamulka Itoobiya ayaa ku dhawaaqay in la xidhay 82 qof oo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin ururka Islaamiga ah ee ISIS, kuwaasoo la sheegay in loo tababaray inay ka fuliyaan weerarro argagixiso gudaha dalkaas.
Bayaan ay Hay’adda Sirdoonka iyo Ammaanka Qaranka Itoobiya (NISS) soo saartay Isniintii ayaa lagu sheegay in dadka la qabtay ay xidhiidh leeyihiin garabka ISIS ee ka howl-gala Soomaaliya.
Waxaa la sheegay in ay tababarro ku qaateen Puntland, oo ah deegaan is-maamul ah oo ku yaalla waqooyiga-bari Soomaaliya, ka hor inta aan loo kala dirin gobollo kala duwan oo Itoobiya ka tirsan — oo ay ku jiraan caasimadda Addis Ababa, gobolka Amxaarada, iyo gobolka Oromada.
NISS ayaa sidoo kale sheegtay in qaar ka mid ah xubnaha kooxda ay xidhiidh toos ah la leeyihiin shabakadda caalamiga ah ee ISIS, isla markaana ay ka heleen gargaar dhaqaale iyo taageero kaleba.
Mas’uuliyiintu waxay intaas ku dareen in kooxda si dhow loola socday muddo dheer, ayna jireen xog muujinaysa qorshahooda ah inay sal-dhig ka sameystaan Itoobiya si ay halkaas uga wadaan howlgallo argagixiso oo isku xiran.