Olole ka dhan ah madaxweyne Cagjar oo ka socda Adis-ababa (yaa wado abaabulkan?)

0
182

Jul 16 (Jowhar)-Warar lagu kalsoonaan karo  ayaa sheegaya in olole siyaasadeed oo culus oo ka dhan ah Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya, Mustafe Muxumed Cumar (Cagjar) uu ka socdo magaalada Addis Ababa, iyadoo ay howshaasi wadaan xubno saameyn weyn ku leh bulshada deegaanka iyo siyaasadda gobolka.

Dadka qeybta ka ah dhaq-dhaqaaqan siyaasadeed waxaa ka mid ah:

Ugaas Wali Carab, Ugaas Cabdullaahi Cabdi Dacay, Suldaan Ina Bade, Khadar Macalin oo ahaa Madaxweynihii 6-aad ee dowlad deegaanka Soomaalida, Maxamed Xiis Kalane oo ah Xubin hore uga tirsanaa kooxda Dulmidiid, ahaana lataliyaha madaxweynaha ee arrimaha siyaasadda iyo dad kale oo xasaanad leh.

Maxaa Sababay Oolaha?

Xogta hordhaca ah ayaa tilmaameysa in ololeyaashu ay salka ku hayaan:

Cabashooyin la xiriira hab-maamulka Cagjar, cabashooyin tiro beel ah oo ka imanaya  beelaha qaariyo saluug laga muujinayo Qaab siyaasadeedka uu u maareeyo arrimaha deegaanka, gaar ahaan habka uu ula dhaqmo Odayaasha dhaqanka iyo siyaasiyiinta kasoo horjeeda fikirkiisa.

Waxaa sidoo kale la rumeysan yahay in dadaalka socda uu yahay mid la mid ah wadadii uu Cagjar kursiga uga qaatay madaxweynihii hore Cabdi Maxamuud Cumar (Cabdi Iley) oo xilka laga qaaday sanadii 2018-kii kadib cadaadis siyaasadeed iyo mid dadweyne.

Ajendaha shirka xasaasiga ah ee dhici doona

Dadka ololaha wada ayaa la filayaa inay isugu yimaadaan shir weyn toddobaadka soo socda, kaasoo lagu dhisi guddiyl dhowr ah oo hwisha dardar galiya, laguna gaari doono mowqif mideysan oo siyaasadeed. Xogaha hordhaca ah ayaa sheegaya in shirkaasi laga soo saari doono:

Go’aano culus oo toos u taabanaya maamulka Cagjar

Dacwad siyaasadeed oo loo gudbin karo dowladda dhexe ee Itoobiya

Iyo suurtagalnimada in la dhiso isbahaysi siyaasadeed oo beddel u noqon kara Cagjar

Maxay Tahay Saameynta?

Ololahan wuxuu noqon karaa mid si weyn u saameeya siyaasadda deegaanka, waxaana ay dib usoo nooleyn kartaa xiisado hore oo u dhexeeyay beelaha deegaanka iyo maamulka Cagjar.

Waxaa sidoo kale la saadaalinayaa in:

Dowladda dhexe ee Itoobiya ay si dhow ula socoto dhaq-dhaqaaqan, suura galna ay tahay iney hoos u fiiriso dalabka kooxdan shireysa.

Beelaha kale ee deegaanka ay iyaguna durba bilaabeen inay qiimeeyaan saameynta iyo waxa ay ka faa’iidi karaan ololaha socda ayna ubadan tahay iney kusoo biiraan.