Jul 18 (Jowhar) Madaxweyne Donald Trump ayaa la il-daran xanuun ka xididdada kaga dhacay, kaasoo aad u daran, sida uu Aqalka Cad Khamiistii ku dhawaaqay, ka dib maalmo warar la isla dhex marayay kuwaasoo la xiriira sawirro muujinaya nabar ka muuqda gacanta madaxweynaha Maraykanka.
Ka dib markii uu dhawaan la kulmay barar lugaha ah, Trump ayaa maray “baaritaan dhamaystiran” oo ay ku jiraan baaritaanka xididdada dhiigga, sida ay sheegtay xoghayaha warfaafinta ee Aqalka Cad Karoline Leavitt.
Leavitt waxay sheegtay in gacanta nabarku kaga yaallo Trump uu ka dhashay “salaanta gacanqaadka ee joogtada ah” isagoo dhanka kalena qaata aspirin, kaas oo ay sheegtay in uu yahay “qayb ka mid ah dawooyinka ka hortagga xanuunnada wadnaha”.
Trump, oo 79 jir ah, waxa uu si joogto ah u sheegay in caafimaadkiisu wanaagsan yahay, waxaana uu mar isku tilmaamay in uu yahay “madaxweynihii ugu caafimaadka badnaa ee abid noolaa”.
Xanuunka xididdada dhiigga ee uu madaxweynuhu dhawaan ogaaday waa mid yimaada marka xididdadu ay ku guul-darraystaan inay dhiigga ku shubaan wadnaha, taasina ay keento in dhiiggu ku uruuro qaybaha hoose, ka dibna ay xubintu bararto.