Dowladda oo sheegtay iney howlgal ku dishay xubno Shabaab ah oo gudaha dalka iyo dibadda afduub ka geystay

0
205

Jul 19 (Jowhar)Ciidanka gaarka ah ee Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka ayaa fuliyay hawlgal qorsheysan oo ka dhacay deegaanka Harboole ee gobolka Jubada Hoose, kaas oo si toos ah loogu beegsaday horjoogayaal iyo xubno sare oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Sida dowladda ay sheegtay, Hawlgalka ayaa lagu dilay xubno Shabaab ah oo muddo dheer ku jiray liiska dadka la baadi-goobayo, kuwaas oo ku lug lahaa falal argagixiso iyo afduubyo ka dhacay gudaha dalka iyo wadamada deriska ah.

Intii uu hawlgalka socday, ciidanku waxay gacanta ku dhigeen hub iyo saanad ay kooxda Shabaab u adeegsan jirtay dhibaateynta shacabka Soomaaliyeed.

Dowladda Soomaaliya ma aysan soo bandhigin waxyaabo cadeyn u noqon kara sheegashadeeda, Shabaab-na wali waxaad rabtaa war ah arrintan ma aysan kasoo saarin.