Jul 19 (Jowhar)-Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle Mudane Cali Cabdulaahi Xuseen ayaa maanta xariga ka Jaray xarunta Hay’addda NIRA ee caasimada Hirshabelle magaalada Jowhar.
Munaasabadda furitaanka xaruntan ayaa waxaa ka qeybgalay Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), xubno ka kala tirsan Golaha Wasiirrada iyo Baarlamaanka Dowladda Hirshabeelle, Maareeyaha Guud ee Hay’adda NIRA, Xeer-ilaaliyaha Guud, Duqa magaalada Jowhar iyo marti-sharaf kale.
Guddoomiyaha Degmada Jowhar ahna duqa Caasimadda Mudane Cusmaan Maxamed muqtaar Baarey ayaa sheegay ay soo dhoweynayaan xarunta NIRA ee magaalada Jowhar laga furay;
“Maamulka degmada Jowhar waxa uu diyaar u yahay in uu si buuxda ula shaqeeyo hey’adda NiRA si loo xaqiijiyo adeeg hufan, degdeg ah, lana gaarsiiyo dadka meel walba oo ay joogaan.”ayuu yiri guddoomiye Baarey.
Maareeyaha Guud ee Hay’adda NIRA Cabdiweli Cali Cabdulle (Tima-cadde) oo munaasabada furitaanka ka haday ayaa sheegay in laanta ay ka hirgeliyeen Hirshabeelle inay si weyn ugu adeegi doonto bulshada.
Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Cali Cabdulaahi Xuseen ayaa goobta lagu guddoonsiiyey aqoonsiga rasmiga ee muwaadinimo.
“Aqoonsiga muwaadinimo qaadashadiisa waxa uu laf-dhabar u yahay adeeg walba oo aad u doonaneysaan xafiisyada Dowladda, waxaa lagama maarmaan ah inaad xilli hore qaadataan.”
Ugu dambeyn Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa kula dardaarmay howlwadeennada NIRA ee Hirshabeelle inay si hufan ugu adeegan shacabka aqoonsiga u soo doonan doono.