Jul 19 (Jowhar) Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa amar ku bixiyay in Dekada Bosaso loo soo wareejiyo Markabkii shalay lagu qabtay Xeebaha degmada Bareeda ee gobolka Raas-casayr sida ay xaqiijiyeen masuuliyiinta gobolka Raas-casayr.
Lama oga in arrintan ay daba socoto in la fasaxyo markabkan, xili saacadihii lasoo dhaafay au socdeen dadaalo lagu dalbanayay in lasii daayo Markabka.
Sida xogaha ay sheegayaan, wuxuu siday Hub iyo gaadiid waxaana uu watay calanka dowlada Turkiga.
Markab magaciisa lagu sheegay ‘Sea World’ kana diiwaangashan jasiirada Kamooroos ayaa sida wararku sheegayaan waxa uu illaa ku ciladeysnaa aagga Bareedo.
Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa ugu danbeyn, dadaal dheer kaddib ku guulaystay, in ay markabka gudaha u galaan, ayna baaraan shixnadaha markabka saaran.