Jul 20 (Jowhar) Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka dhacaya kulan u dhexeeya Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo siyaasiyiinta mucaaridka oo uu hoggaaminayo madaxweynihii 7-aad Shariif Sheekh Axmed. Kulankaan ayaa diiradda lagu saarayaa dib-u-eegista Dastuurka iyo arrimaha doorashooyinka soo socda, kuwaas oo kulamadii hore laysku mari waayay.
Wararka laga helayo Villa Soomaaliya ayaa sheegaya in kulankaan uu qayb ka yahay dadaallo diblomaasiyadeed oo lagu doonayo in lagu xalliyo khilaafaadka siyaasadeed ee ka jira dalka, gaar ahaan nidaamka doorashooyinka iyo wax-ka-beddelka qodobada Dastuurka ee lagu muransan yahay.
Kulamada noocan oo kale ah ayaa horey u dhacay, balse marar badan ayaa lagu kala tagay iyadoo aan wax heshiis ah laga gaarin qodobada muranka badan uu ka taagan yahay. Si kastaba ha ahaatee, mucaaradka iyo Villa Soomaaliya ayaa markan isku dayaya iney xal wada gaaraan si loo helo is-afgarad siyaasadeed.
Ilo-wareedyo ku dhow wada-hadallada ayaa sheegay in kulanka maanta uu noqon doono mid go’aanno horudhac ah laga gaaro, iyadoo laga yaabo in maalmaha soo socda lagu dhawaaqo jadwal cusub oo ku saabsan dib-u-eegista dastuurka.