Jul 20 (Jowhar)Puntland ayaa amartay in la soo celiyo hubkii fududaa ee lagala degey Markabka Seaworld, kadib markii lagu qabtay degmada Bareeda ee Gobolka Raasi-casayr sida ay amartay Xeer-ilaalinta gobolkaasi.
Xeer-ilaaliyaha Raas Casayr, ayaa faray Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka inuu soo gudbiyo warbixin dhamaystiran oo ku saabsan hubkaasi, cidda masuulka ka ah, iyo dadka fuulay markabka Sea World.
Xeer-ilaaliyaha Gobolka, Cabdiraxmaan Mahamuud Cali, ayaa sidoo kale dalbaday in la ururiyo dhammaan xogta dadka ku lugta leh arrintan si loo helo caddeymo buuxa oo lagu qaado talaabo sharci ah.
Puntland ayaa baaritaan iyo tirokoob ku wadda markabka oo laga leeyahay dalka Comoros oo ku xidhan dekedda Boosaaso, iyada oo aysan weli jirin cid si rasmi ah u sheegatay hubka culus ee saaran; waxaase la eegayaa waxa ay ka yeesho Puntland oo haysa, Turkiga oo uu ka soo shiraacday & DFS oo uu ku socday.