Markab kale oo Hub looga shakisan yahay oo lagu arkay xeebaha Bareeda

0
216

Jul 21 (Jowhar)-Warar laga helay  laamaha amniga maamulka Puntland ayaa sheegaya in markab xamuul ah oo laga shakiyay uu taagan yahay 24-kii saac ee la soo dhaafay agagaarka xeebaha degmada Bareeda, ee gobolka Raascaseyr.

Goobtan ayaa ah halkii lagu qabtay markabka hubka sida ee Sea World, kaas oo haatan maalintii labaad ku sugan marsada magaalada Boosaaso, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha amniga.

Saraakiisha amniga Puntland ayaa sheegay in ay ku jiraan hubin dheeraad ah, si loo xaqiijiyo in markabkan cusub uu leeyahay xiriir la mid ah kan hubka sida ee Sea World ama haddii uu yahay mid kale oo aan khatar lahayn.

Dhanka kale, guddi gaar ah oo ay Puntland u xilsaartay baaritaanka markabka Sea World ayaa wali wada baaritaan lagu ogaanayo shixnadda hubka ee saaran. Illaa iyo hadda, ma jirto cid si rasmi ah u sheegatay lahaanshaha hubkan, marka laga reebo warar hoose oo soo baxaya.

Arrintan ayaa imaanaysa xilli Puntland ay dhowr jeer soo saartay digniino ku saabsan hubka sharci darrada ah ee lagu soo daabulo xeebaha waqooyi-bari Soomaaliya, taas oo khatar ku ah amniga gobolka iyo ganacsiga badaha.