Saddex askari oo Kenya ah oo ku dhintay qarax ka dhacay Lamu

0
263

Jul 21 (Jowhar)-Gaari ay leeyihiin Ciidanka Difaaca Kenya (KDF) ayaa qabsaday qarax miino, waxaana ka dhashay khasaare dhimasho.

Qaraxa ayaa ka dhacay deegaanka Badaah ee ku yaalla wadada Kiunga-Sankuri ee degmada Lamu, waxaana ku dhintay saddex askari oo ka tirsan Ciidanka Difaaca Kenya, halka todoba kale dhaawac yihiin oo dhaawacyadooda lagu dabiibayo goobaha caafimaadka.

Ku-xigeenka Guddoomiyaha Degmada Lamu George Kubai, oo xaqiijiyay dhacdadan, ayaa sheegay in askartu ay ku socdeen Sankuri si ay u qaadaan saaxiibadood, balse ay miinadu ku qaraxday intay dib ugu soo laabanayeen meel u dhow Kiunga.

Warbixinno hordhac ah ayaa muujinaya in askarta dhaawacantay hadda lagu daweynayo isbitaalka Kiunga.