Inkabadan 5 ruux oo ku geeriyootay dagaalka ka socda Beledxaawo

0
165

Jul 22 (Jowhar) Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa dagaal u dhaxeeya ciidamada DFS & Jubbaland oo kasocda magaalada Balad-Xaawo.

Khasaaraha ayaa sii kordhaya, ilaa hadda 6 askari ayaa la xaqiijiyey dhimashadooda oo 2da dhinac, halka dhaawacana 8 ka badan yahay.

Dhanka Jubbaland taabacsan ayaa qabsaday xarumaha degmada Balad-xaawo iyo Kastamka ama Hay’addaha socdaalka  oo ay gacanta ku hayeen ciidamada dawladda.

Xiligan xerada loo yaqaano UK oo ah taliska ciidanka DFS ayaa rasaas xoogan laga maqlayayaa agagaarkeeda taas oo magaalada ka baxsan, waxaana halkaas kusugan Cabdirashiid Janan iyo saraakiil kale oo ay dawladdu saaka halkaas u dirtay, sida ay xaqiijinayaan dadka deegaanka oo dhinacyada ka madax banaan.

Ciidamo gurmad u ah dhanka Jubbaland oo katagay degmada Doolow, ayaa la xaqiijinayaa in ay kaabiga ku hayaan magaaladan, iyadoo yoolka ay JL u socota ay tahay in ay lawareegto xerada UK oo ah saldhiga DFS ay ku leedahay duleedka Balad-Xaawo.

Mid kamid ah diyaaradaha qumaatiga ukaca oo ay DFS u dirtay BaladXaawo saaka ayaa taala xerada UK oo aan kicin.