Jul 22 (Jowhar)Wararka laga helayo degmada Beledxaawo ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya inuu ka socdo dagaal u dhaxeeya Ciidamada Jubbaland iyo kuwo taabacsan DFS.
Dagalkan ayaa yimid kaddib markii saakay labo diyaarad Helicopter ah ay ka degsay Xerada Ciidamada UK Wafdi uu hoggaaminayo C/rashiid Janan oo ay wehliyaan Saraakiil iyo ciidamo.
C/rashiid Janan oo dhawaan loo magacaabay Taliyaha NISA ee Jubbaland ahna Madaxa Amniga Guud ee Gobolka Gedo ayaa qorshaha DFS ka leedahay magacaabiddaas lagu tilmaamay inuu ahaa mid ay ku dooneyso inay kaga abaabusho Gobolka Gedo dhaq dhaqaaqyo siyaasadeed oo ka dhan ah Axmed Madoobe.
Sanadkii 2020 ayaa la xusuustaa in Beledxaawo ay xuddun u aheyd xiisaddii dagaal ee u dhaxeysay Jubbaland iyo DFS, inkastoo xaalada waqtigaas ay ku kala duwan yihiin labada shaati ee C/rashiid Janan uu kala huwan yahay, iyadoo xilligaas uu dhanka Jubbaland ka socday, balse haaatan DFS uu dhankeeda jiro.