Puntland oo been abuur ku tilmaamtay warqadii DFS ay kasoo saartau markabka MV SEA WORLD

0
460

Jul 23 (Jowhar)Puntland oo kajawaabtay Warqadii saaka ay DFS kasoo saartay xaalada Markabka MV SEA WORLD.

Ayaa sheegtay in ay bilowgiiba lasoo xariireen Ganacsato sheeganaysa shixnada, haddana Safiirka Turkiguna sheegtay, taas oo kaliftay in baaris dheeraad ah lagaliyo Markabka.

Puntland ayaa warqadii kasoo baxday DFS kusifeysay mid aan sharci aheyn oo been abuur ka buuxo, waxaana gabi ahaanba ay Puntland sheegtay in ay baarista wadayso.

Puntland ayaa si cad ugu dhawaaqay in aan markabkan wadin wax aan aheyn agab ciidan, ayna been abuur tahay in shixnad ganacsi oo ganacsato u raran aysan waxba kajirin, waxayna sheegtay in agabyada saaran ay nabadda iyo daganaanshaha Soomaaliya halis kuyihiin.

Xukuumadda Puntland, ayaa kusoo dhaweysay Turkiga iyo DFS baaritaanada ay wado in ay qeyb kanoqdaan baaritaanka ay Puntland wado.