Jul 23 (Jowhar) xaaladda Magaalada Beledxaawo ayaa saaka degan, kaddib dagaal culus oo shalay dhexmaray ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Jubaland.
Sida ay sheegayaan ilo-wareedyo deegaanka ku sugan, dagaalkii shakay ayaa sababay dhimashada ugu yaraan 10 ruux, oo ay ku jiraan askar iyo dad rayid ah.
Wararka laga helayo Beledxaawo waxay tilmaamayaan in ciidamada Jubaland oo taageero ka helaya maleeshiyaad deegaanka ah ay gacanta ku dhigeen qeybo ka mid ah magaalada, inkastoo ay jiraan isku-dayo ay dowladda federaalku ku doonayso inay dib ugu soo ceshato gacan-ku-haynta goobaha qaar.
Wararka ayaa intaasi kusii daraya in
Cabdirashiid Janan uu ku sugan yahay xerada UK, halkaasoo ay isugu uruureen ciidankiisa markii laga qabsaday qeybo badan oo magaalada ah.
Ilo ku dhow dhinacyada dagaalamay waxay xaqiijiyeen in labada dhinac ay heleen gurmadyo ciidan iyo hub, taasoo kor u sii qaaday xiisadda ka jirta magaalada. Waxaa jirta cabsi laga qabo in dagaallo kale ay mar kale qarxaan haddii xal siyaasadeed la gaarin.
Xaaladda Beledxaawo ayaa saaka degan, balse waxaa muuqata in xiisaddu weli taagan tahay. Dadka deegaanka ayaa ka cabsi qaba in magaalada ay mar kale dagaallo ka dhacaan haddii aan si degdeg ah loo dhex-gelin.
Jubaland iyo Dowladda Fedealka ayaa midba midka kale ku eedeeyay inuu mas’uul ka yahay dagaaladii shalay ee khasaaraha badan dhaliyay.
Xubno kamid ah Madasha Samata-bixinta iyo Siyaasiyiin kale ayaa iyaguna dowladda ku eedeeyay ineysan wax cashir ah ka baranin Nidaamkii hore ee Farmaajo oo ay tabtii uun hayaan.