Laba kamid ah shaqaalaha dowladda hoose oo lagu dilay Garoowe

0
587

Jul 24 (Jowhar) Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar uu Askari katirsan ciidanka Puntland ka geystay magaalada Garowe, kaasoo lagu dilay Labo ka mid ah shaqaalaha Dowladda Hoose.

Laba askari oo ka tirsan ciidanka dowladda hoose ee Garowe ayaa ku geeriyooday, halka laba kale ay dhaawacyo soo gaareen, kadib markii askari watay Bajaaj uu fal toogasho geystay, xilli gaadiidkiisa loo qabtay cashuur lagu lahaa.

Askariga kiiskaan geystey oo wata qorigii uu ka qaadey askariga dhintay ayaa la xaqiijiyey inuu ka baxsaday goobta.

Puntland ayaa wada baaritaano ku aadan falkan, iyadoo laamaha amniga la faray iney soo qabtaan gacan ku dhiiglaha.