Madasha samata-bixinta oo isku khilaafay ka hadalka dagaalkii Beledxaawo

0
554

Jul 24 (Jowhar)-Ilo xog-ogaalka ah ayaa ku warramaya in xubnaha Madasha Samata-bixinta ay isku khilaafeen qoraal wadajir ah oo ay kasoo saaraan dagaalkii maalin kahor ka dhacay magaalada Beledxaawo, kaasoo u dhexeeyay ciidamo kala taabacsan dowladda iyo Jubaland.

Macluumaadka ayaa intaasi kusii daraya in xubno uu hormuud u yahay Xasan CalI Khayre ay soo jeediyeen in madaxweyne Xasan lagu dhaliilo duulaanka uu ku qaaday Beledxaawo balse arrintaasi ayaa hoos loo dhigay, taasoo keentay inuu go’aan kaligiis qaato.

Khayre ayaa barihiisa bulshada ku baahiyay War-saxaafadeed uu ku sheegayo inuu kasoo baxay Madasha Samata-bixinta, isagoo adeegsanaya summada ama Astaanta madasha, sheegayana inuu war-saxaafadeedkaasi Madasha kasoo baxay.

Majirin xubin ka tirsan Madasha oo qoraalkaasi faafiyay, iyadoo Sheikh Shariif oo madasha haatan Gudoomiye u ah uu Khayre ka dalbaday inuu barihiisa bulshada ka saaro qoraalkaasi, haduu Beledxaawo ka hadlayana uu si iskiis ah uga hadlo oo aanu addeegsan Summada Madasha.

Khayre ayaa iska diiday inuu tirtiro ama Masaxo qoraalka, isagoo ku adkeystay inuu barihiisa ka saareenin, taasoo buuq gudaha ah ka dhex dhalisay xubnaha madashan, iyadoo lagu balammay Jimcaha beri kulan khilaafka cusub lagu xalinayo.

Shariif Sheekh Axmed, Maxamed Xuseen Rooble iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan oo xalay kulan warbaahinta laga qariyay la yeeshay madaxweyne Xasan ayaa wararka la helayo sheegayaan in waxyaabaha loogu tagay madaxweynaha ay qeyb ka eheyd in loo sheego ineysan la qabin Khayre warka uu kasoo saaray xiisadda Gedo.

Lama oga sida xiisadan cusub ay u saameyn karto wadashaqeyntii xubnaha Madasha Samata-bixinta ee musharrixiinta madaxweyne u badan.

Screenshot