Jul 25 (Jowhar)-Puntland ayaa ku dhawaaqday in ay gacanta ku dhigtay sarkaal sare oo ka tirsanaa kooxda argagixisada ah ee Daacish (IS), kaas oo ahaa madixii maaliyadda kooxda, sida lagu sheegay war rasmi ah oo kasoo baxay laamaha ammaanka Puntland.
Howlgalkan oo si gaar ah uga dhacay deegaanka Xumbays ee gobolka Karkaar, ayaa la sheegay in uu ahaa mid wadajir ah oo ay fuliyeen ciidamada Puntland iyo saaxiibadooda Mareykanka, iyadoo bartilmaameedka laga dhigay xarumo ay kooxdaasi ka howlgeli jirtay
Sida laga soo xigtay ilo-wareedyo dhanka sirdoonka ah, sarkaalka la qabtay ayaa door weyn ku lahaa ururinta lacagaha, dhaqaalaha suuqyada madow iyo maaraynta miisaaniyadda kooxda IS ee ku sugan buuraha Galgala iyo hareeraheeda.
Intaa waxaa dheer, laamaha ammaanka Puntland waxay xaqiijiyeen in howlgalka lagu soo qabtay xubno kale oo sare oo ka tirsan Daacish, kuwaasoo qaarkood ay ku lug lahaayeen weerarro hore iyo qorsheynta qaraxyo lagu bartilmaameedsanayo shacabka iyo ciidamada amniga.
Ciidamada Mareykanka ee ku sugan gobolka Geeska Afrika ayaa qayb weyn ka qaatay abaabulka iyo taageerada farsamo ee howlgalka, iyadoo diyaarado aan duuliye wadin (drone) lagu arkay cirifka deegaanka maalmo ka hor howlgalka.
Puntland ayaa shacabka u dirtay digniin la xiriirta in laga digtoonaado xubnaha haray ee kooxda, iyadoo la kordhiyay howlgallada lagu sugayo ammaanka deegaannada ku dhow buuraha Galgala iyo Karkaar.
Mas’uuliyiinta amniga Puntland waxay sheegeen in xubnaha la qabtay la horgeyn doono cadaaladda, islamarkaana faahfaahin dheeri ah laga bixin doono magacyada iyo doorkii ay kooxda IS ku lahaayeen.