Madaxweyne Xasan oo ka dagay dalka Jabuuti

0
150

Jul 26 (Jowhar)Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa gaaray magaalada Jabuuti ee caasimadda Jamhuuriyadda Jabuuti.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa halkaasi kulan rasmi ah kula yeelan doona dhiggiisa, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, iyadoo kulankooda lagu wado in diiradda lagu saaro xoojinta xiriirka labo geesoodka ah iyo iskaashiga istiraatiijiga ee u dhexeeya labada dal.

Labada Madaxweyne ayaa kulankooda kaga wada-hadli doona qodobo muhiim ah oo ay ka mid yihiin:

Xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee labada dowladood, Adkaynta iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha, iyo siyaasadda.

Socdaalka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ah mid muhiimad gaar ah u leh xiriirka qotada dheer ee u dhexeeya Muqdisho iyo Jabuuti, iyada oo labada dal ay si joogto ah isula jaanqaadaan arrimaha amniga, la-dagaallanka argagixisada, iyo horumarinta dhaqaalaha gobolka.