Jul 27 (Jowhar)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Mukhtaar Jayte si ku-meel-gaar ah loogu magacaabay xilka Lataliyaha Amniga Qaranka, kaddib markii uu dhowaan xilkaasi iska casilay Xuseen Macallin.
Magacaabistan ayaa timid iyadoo loo baahnaa buuxinta booska, xilli uu dalku wajahayo duruufo amni iyo mid siyaasadeed. Mukhtaar Jayte waxa uu horey u ahaa Lataliyaha Amniga ee Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.
Mr. Jayte ayaa maanta bilaabay waajibaadkiisa cusub, isaga oo la yeeshay kulankiisii ugu horreeyay ee shaqo shaqaalaha Xafiiska Amniga Qaranka ee Madaxtooyada. Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta howlaha xafiiska, dib-u-eegista qorsheyaasha amniga qaranka, iyo hagaajinta wadashaqeynta hay’adaha amniga.
Lataliyaha Cusub ee Amniga Qaranka Mukhtaar Jayte oo deegaan ahaan kasoo jeeda Puntland waxa uu hore usoo noqday Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka Puntland PISA.