NISA oo sheegtay in labo sarkaal oo Shabaab ah ay ku qabatay degmada Afgooye

0
45

Jul 27 (Jowhar)-Ciidanka gaarka ah ee Gaashaan ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgal qorsheysan oo xalay ay ka fuliyeen degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Waxa ay kusoo qabteen labo xubnood oo ka tirsan Shabaab oo si dhuumaaleysi ah kusoo galay Afgooye, kuwaas oo mid ka mid ah uu yahay Horjooge qaabilsanaa uruurinta lacagaha baadda ah, halka xubinta labaad uu ka tirsanaa waaxda waxa ay ugu yeeraan amniyaadka, isaga oo ku howlanaa uruurinta xogta ciidamada dowladda iyo qorsheynta dilalka qarsoon.

Qabashada Horjoogahan Khawaarijta u qaabilsanaa lacagaha baadda ah, waxay daba socotaa digniin rasmi ah oo Hay’adda NISA ay soo saartay 20-kii bishan, taas oo lagu caddeeyay in uruurinta iyo bixinta lacagahaasi ay tahay maalgelin argagixiso oo ka dhan ah sharciga dalka iyo xeerarka caalamiga ah.

Sidaas darteed, waxaa mar kale ganacsatada iyo shacabka Soomaaliyeed looga digayaa in ay bixiyaan lacago lagu maalgalinayo Khawaarijta.

Majirto cid ka madax banaan NISA oo xaqiijin karta sheegashada, iyadoo kooxda Shabaab aysan wax war ah kasoo saarin warka dowladda kasoo baxay.