Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku biiray dagaal xalay DFS iyo Jubaland ku dhexmaray Doolow

0
141

Jul 28 (Jowhar)-Dagaal xalay fiidkii ilaa waaberigii hore ee saaka soo gaaray ayaa sababay in ciidanka Itooobiya ay la wareegaan Xerada ciidanka Nabad Sugida Qaranka Soomaaliya ee degmada Doolow.

Sida aan ka xaqiijinay dadka deegaanka cuidanka xerada ku sugnaa ee Dowladda Soomaaliya ayaa lagu khasbay inay isu dhiibaan ciidanka Itoobiya, waxaana loo gudbiyay dhanka xadka Itoobiya.

Taliyihii Ciidanka Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya Shiiqaalow iyo ciidan la socda ayaana gacanta ciidanka Itoobiya galay, waxaana haawanaysa xerada ciidanka NISA.

Dhimashada dagaalka Doolow ka dhalatay ayaa ilaa hadda si rasmi ah loo xaqiijin, hase ahaate goobjooge ayaa inoo sheegay inuu arkay dhimasho iyo dhaawac.

Dagaalka Doolow ayaa yimid kaddib markii ay xadka ka soo gudbeen ciidan badan oo Itoobiyaan ah, kuwaas oo gacan siinaya maamulka Jubaland oo dagaal kula jira ciidan taageersan Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.