Jul 29 (Jowhar)-Wararka naga soo gaaraya degmada Doolow ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in ciidamadda Itoobiyaanka ee ku sugan halkaasi ay ku amreen ciidamadii NISA ee taabacsan dowladda Soomaaliya iney si deg deg ah uga baxaan magaaladaasi ama ay taageeraan dhanka maamulka Jubaland.
Fariintan waxay usoo dhiibeen Odayaasha deegaanka oo ay ku wareejiyeen taliyaha NISA ee Doolow Shiikhaalow iyo askartiisii habeen kahor ciidanka Itoobiya oo taabacsan Jubaland kula dagaalamay magaalada, sagaalkaas oo socday wax kudhow 7 saacadood ayaa ugu danbeyn looga adkaaday askartii Nabad Sugida.
Itoobiyaanka oo kaxeystay Taliye Shiikhaalow iyo ciidankiisa oo 20 gaarayay ayaa si looga soo daayo damaanad ahaan ugu soo wareejiyay Odayaasha deegaanka, iyagoo u sheegay in 48 saacadood gudeheed magaalada ay uga baxaan oo ay aadaan dhinaca deegaanada ay heystaan ciidanka dowlada Soomaaliya.
Kulan xasaasi ahaa oo xalay dhexmaray Odayaasha iyo Saraakiisha Nabad Sugida ayaa lagu kala tagay, wuxuuna Taliye Shiikhaaloow shirka ka sheegay inuu dhimasho ka xigo in Ciidan Itoobiyaanka ah uu magaaladiisa iyo reerkiisa ugaga tago.
Waxaa lagu ballamay kulan kale oo gelinka danbe ee maanta oo Talaada ah dhici doono, kaasoo aan la ogeyn waxa kasoo bixi doona.
Xaaladda Doolow saaka wey dagan tahay, balse xili kaata ayaa dagaal la filan karaa, naadaama ciidamadda ay is dhex joogaan.