Ciidamadda dowladda Soomaaliya oo si buuxda ula wareegay gacan ku heynta Beledxaawo

0
399

Jul 30 (Jowhar)-Ciidamadda dowladda Soomaaliya ayaa la wareegay guud ahaan gacan ku heynta degnada Beledxaawo karib maalmo ay dagaalo ka socdeen degnadan Xadia ku taala.

Xarunta degmada, saldhigga booliska iyo xarunta Imagrationka waxaa heysta ciidanka uu hoggaaminayo Abdirashid Janan.

Ciidankii Jubaland ayaa lagu soo warramayaa iney u baxsadeen dhanka xadka, iyadoo caawa xaaladda magaalada ay tahay mid dagan.

Isgaarsiintii ayaa dib hawada ugu soo laabatau, waxaana si tartiib tartiib ah usoo laabanaya noloshii caadiga eheyd ee magaalada.