Jul 30 (Jowhar) Amb. El Hadji Ibrahima Diene “Boly” oo ah Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika (SRCC) ee Soomaaliya iyo Madaxa AUSSOM ayaa si rasmi ah xilka ula wareegay, kadib markii uu soo gaaray magaalada Muqdisho.
Danjirahan cusub oo kasoo jeeda dalka Senegal waxa uu bedelayaa Amb. Mohamed El-Amine Souef oo bishii March ee sannadan loo magacaabay Madaxa Shaqaalaha cusub ee Midowga Afrika.
Danjire El Hadji Ibrahima Diene “Boly” waa nin ku xeeldheer xalinta colaadaha iyo qalalaasaha ee Galbeedka, Bartamaha iyo Bariga Afrika. Isagoo hire uga soo shaqeeyay howlgalada nabad-ilaalinta ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo (DRC), Suuriya iyo Mali.
Madaxweyne Xasan iyo ra’iisul wasaare Xamze ayaa la filayaa iney mas’uulkan cusub la kulmaan maalmaha soo socda.