Jul 31 (Jowhar)-Xamaas ayaa sheegtay in ay maanta u gudbin doonto Israa’iil magacyada afarta qof ee laheystayaasha ah ee la sii dayn doono, taasoo qayb ka ah heshiiskii xabbad joojinta ee Gaza.
Waxaa la filayaa inay noqdaan afar dumar ah oo isugu jira askar iyo dad rayid ah.
Isweydaarsiga maxaabiista ee dhici doonta maalinta sabtida ah, Israel ayaa la filayaa inay sii deyso ilaa boqol iyo siddeetan dumar ah oo Falastiiniyiin ah oo maxaabiis ah.
Sido kale maalinta sabtida ah, kumanaan kun oo barakacayaal ah ayaa lagu wadaa in ay dib ugu laabtaan waqooyiga dhulkaas iyadoo ciidamada Israa’iil ay ka sii baxayaan Qaza.