Aug 01 (Jowhar)-Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa dil xalay degmada Hodan ee bartamaha magaalada Muqdisho loogu geystay sarkaal ka tirsan hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed, kaasoo lagu magacaabo Abuukar Sadiiq Muxudiin.
Marxuum Abuukar oo ahaa Kabtan ka tirsan NISA ayaa xalay ka tirsanaa saraakiil hoggaamineysay howlgal si wadajir ah ay u fulinayeen ciidamo Kala duwan oo NISA ah oo kala ah; Sirdoonka, Dabagalada iyo Ilaalada Shacabka.
Howlgalka oo lagu damacsanaa in lagu soo qabto xubno Shabaab ah oo lagu soo farmuuqay xaafada Soona-key ayaa waxaa qeyb ka ahaa xubno dhawaan Shabaab kasoo baxay oo isa soo dhiibayaal ah, waxaana mar kaliya la maqlay rasaas culus, taasoo baqdin dhalisay.
Rasaastaasi waxay haleeshay sarkaalka Abuukar lagu magacaabo, kaasoo loola cararay Isbitaalka Somali Sudaness, halkaasoo uu markii danbe ugu geeriyooday.
Saraakiil loo xilsaaray baarista Kiiskan ayaa saaka tagay halka falka uu ka dhacay, iyagoo sidoo kale daawaday muuqaalada ay kaydisay Kaamirada Qarsoon ee ku xirneyd aagga falka dilka ah uu ka dhacay, iyadoo la xiray askarta iyo saraakiisha ku qorneyd goobta howlgalka xalay ka socday, kuwaasoo su’aalo la weydiinayo.
Saraakiisha baarista wado ayaa dooneysa iney ogaato in dilka sarkaalkan hay’adda muhiimka u ahaa mid lasoo qorsheeyay ama inuu ahaa mid si aan ku tala gal eheyn u dhacay.
Marxuum Abuukar waxa uu hore usoo noqday taliyihii NISA ee degmada Gatasbaaley iyo taliye qeyb Sirdoonka caasimadda ka tirsan, isagoo haatan heystay Laan ka tirsan hay’ada.
Majiro wax war ah oo dowladda wali ay kasoo saartay falkan, iyadoo qoyska sarkaalkan ay dalbanayaan inuu cadaalad helo.