Gudoomiye Muungaab oo ku dhawaaqay in Todobaadkan la furi doono wadooyin badan oo 10 sano iska xirnaa

0
145

Aug 02 (Jowhar)-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Jen. Muungaab ayaa ku dhawaaqay in la qorsheynayo in dib loo furo wadooyin badan oo muhiim ah kuwaas oo xirnaa muddo ka badan toban sano.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in furitaanka wadooyinkan uu qeyb ka yahay dadaallo lagu doonayo in lagu yareeyo ciriiriga gaadiidka, lana horumariyo isku socodka shacabka ku dhaqan caasimadda.

Gudoomiye Muungaab waxa uu ka gaabsaday in uu shaaciyo xiliga rasmiga ah ee furitaanka wadooyinka, taasoo su’aalo ka dhalisay sida loo fulin doono go’aankaasi.

Wadooyinkan la sheegay in dib loo furayo ayaa kamid ah kuwa si rasmi ah u xirnaa tan iyo xilligii amniga magaalada uu xumaa ee qaraxyada iyo weerarada badnaayeen, kuwaasoo ay ka mid yihiin jidad muhiim ah oo dhowr degmo isku xira.

Inkastoo hadalka guddoomiyaha uu rajo geliyay dad badan, haddana lama hubo sida dhaqangel uu u noqon karo qorshahan, iyadoo ay jiraan warar sheegaya in qaar ka mid ah wadooyinkan weli u xiran yihiin arrimo la xiriira amniga iyo xarumaha muhiimka ah ee dowladda.