AUSSM oo Beenisay Khasaaraha Ciidamadooda kasoo gaaray Dagaalkii Bariire

0
498

Aug 03 (Jowhar)-Howlgalka Midowga Afrika ee AUSSM ayaa si adag u beeniyay wararka warbaahintu sheegayaan ee ah in ciidamadoodu uu khasaaro culus kasoo gaaray dagaalkii ka dhacay magaalada Bariire, oo dhanka Koonfur-galbeed kaga beegan caasimadda Muqdisho.

AUSSM waxay sheegtay iney bilaabeen howlgal ballaaran oo lagu doonayo in dib loogu qabsado magaalada Bariire 1-dii Agoosto, kadib markii ay Al-Shabaab la wareegtay.

Howlgalkan wadajirka ah oo ay qeyb ka yihiin ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed wuxuu sababay khasaare weyn oo soo gaaray kooxda Al-Shabaab, iyadoo in ka badan 50 dagaalyahan laga dilaykuwo kalena dhaawacyo culus ay gaareen.

Danjire El Hadji Ibrahima Diene, oo ah Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, ayaa sheegay in AUSSM iyo SNAF ay ka go’an tahay in ay dib u qabsadaan Bariire iyo dhulalka kale ee wali gacanta ugu jira Al-Shabaab si loo helo nabad waarta iyo amni buuxa oo ay shacabka Soomaaliyeed ku naaloodaan.