Ireland oo diiday in xabsiga laga sii daayo Diblomaasi Soomaali ah oo ka titsan safaarada Sucuudiga

0
152

Aug 03 (Jowhar)-Diblumaasi Soomaali ah ayaa u gudbiyay maxkamadda sare ee Ireland dacwad ka dhan ah xarigiisa, kadib markii lagu xiray xabsi ku yaalla magaalada caasimadda ah ee Dublin, isagoo lagu eedeeyay inuu ku lug lahaa tahriibinta dadka.

Diblumaasigan oo lagu magacaabo Maxamed Cabdiladiif Xuseen, kana tirsan safaaradda Soomaaliya ee magaalada Riyadh, Sacuudi Carabiya, ayaa waxaa gacanta ku dhigay booliska Ireland isagoo ku sugan garoonka diyaaradaha Dublin 26-kii November ee sanadkii hore.

Isla maalintaas ayaa waxaa la geeyay Maxkamadda degmada Dublin, halkaasoo lagu soo oogay laba dacwadood oo ku saabsan tahriibinta dadka, iyadoo la raacayo Xeerka Cadaaladda Dambiyada ee soo baxay 2021, falka loo heysto waxa uu ka dhacday Terminal-ka koowaad ee garoonka Dublin.

Isla maalintaas ayaa sidoo kale lagu soo oogay laba eedeymo oo kale oo isla xeerkaas ku saleysan.

Bishii Janaayo ee sanadkan, maxkamadda degmada ee Cloverhill ayaa markale ku soo oogtay afar dacwadood oo kale oo ku saabsan tahriibinta dadka, kuwaasoo la sheegay inay ka dhaceen Terminal-ka labaad ee garoonka Dublin 6-dii November iyo 30-kii September ee sanadkii hore.

Mr. Xuseen weli ma uusan qaadan wax mowqif ah (ma uusan qiran ama diidin dambiyadaas) dhamaan sideeda eedeymood.

Qareenka Mr. Xuseen, Barry Ward SC, ayaa Isniintii u sheegay Maxkamadda Sare in macmiilkiisa si Sharci-darro ah loogu hayay Ireland tan iyo bishii November, isla markaana uu xaq u leeyahay xasaanad diblumaasiyeed. Inkastoo dhinaca dowladda aan lagu metelin fadhiga maxkamadda, Mr. Ward wuxuu u sheegay Garsoore Marguerite Bolger in Mr. Hussein uu xilliga la xirayay ku safrayay baasaboorka diblumaasiga ah.

Mr. Ward wuxuu Maxkamadda Sare ka codsaday in la siidaayo Mr. Xuseen oo haatan ku xiran xabsiga Cloverhill. Jimcihii, Faisal Sadiq Khan oo ka tirsan xafiiska qareennada FSK Solicitors, ayaa warqad u diray maamulaha xabsiga, isagoo dalbanaya in si degdeg ah loo sii daayo Mr. Xuseen, iyadoo lagu saleynayo Qodobka 40.4.2 ee Dastuurka Ireland, oo khuseeya sharciyadda xarriga qofka.

Codsigaas waxaa diiday maamulka xabsiga, oo sheegay in siidayntiisu u baahan tahay amar maxkamadeed.

Qareennada Mr. Xuseen waxay ku doodayaan in uu xaq u leeyahay xasaanad diblumaasiyeed, sida uu dhigayo Heshiiska Vienna ee Xiriirka Diblumaasiyadeed ee 1961, oo sidoo kale lagu dabaqay sharciga Ireland.

Bayaan rasmi ah oo maxkamadda loo gudbiyay, Mr. Khan wuxuu ku sheegay in Mr. Xuseen uu yahay “wakiil diblumaasiyeed” sida uu qeexayo Heshiiska Vienna.

Mr. Xuseen wuxuu dacwaddan ka dhanka ah xarrigiisa ka gudbiyay Agaasimaha Dacwad-Oogaha Guud iyo maamulaha xabsiga Cloverhill. Arrinta ayaa markale hortimid Maxkamadda Sare usbuucan gudihiisa.