XOG: Meydka Kabtan Abuukar oo la aasay iyo natiijo hordhac ah oo la helay

0
618

Aug 03 (Jowhar)-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxay natiijada hordhaca ah ee baarista kiiskii dilka ahaa ee 30-kii bishii hore degmada Hodan loogu geystay Kabtan Abuubakar Sadiiq Muxudiin oo ahaa sarkaal ka tirsan Sirdoonka Soomaaliya.

Sida xogaha aynu helnay ay sheegayaan, Meydka sarkaalka ayaa saaka lagu aaday qabuuraha Isbitaalka Xoogga, waxaana aaska oo la qariyay ka qeyb galay dad kooban oo ka kala socday Qoyska marxuumka, xubno NISA ah iyo kuwo ka socday madaxtooyada.

Saraakiil laamaha amaanka ah ayaa innoo sheegay in aaskiisa ay ka danbeysay kadib markii uu soo dhamaaday baarista kiiskan oo ay maalmahan wadeen guddi khuburo ah oo loo xilaaaray.

Guddiga ayaa daawaday muuqaalo ay keydisay kaamirada qarsoon ee ku xiran aagga falka uu ka dhacay oo ah xaafadda Soona-key, waxeyna sidoo kale wareysteen askarta iyo saraakiishii la socotay iyo sidoo kale shacab ka agdhawaa halka dilka uu ka dhacay.

Xogaha soo baxaya waxey sheegayaan in 12 askari iyo saddex sarkaal oo howlgalkaasi waday ay ku xiran yihiin xabsiga madaxtooyada ku dhexyaala, halkaasoo amnigiisa si aad ah loo ilaaliyo.

Waxey wararku intaasi kusii darayaan in qoyska marxuumka xalay loo sheegay in diyada wiilkooda la dilay ay hay’adda NISA bixineyso, ayna kala soo qeyb galaab aaska marxuumka oo saakaba dhacday.

Tani waxey cadeyneysaa in NISA dhexdeeda uu ku maqan yahay sarkaalkaasi, walow dowladda ay si furan usoo bandhigin shaqsiga falkaasi geystay iyo inuu dilku ahaa shirqool banaanka hay’adda laga soo maleegay iyo inuu dilka si aaan ku talagal eheyn u dhacay.

Marxuum Abuubakar waxa uu ahaa sarkaal firfircoon, waxbartay, tiir dhexaadna u ahaa qoyskiisa, Aabihiis waxa uu wadna xanuun kusoo booday u geeriyooday sanadkii 2021-dii, wixii intaasi kadanbeeyay sarkaalka la dilay todobaadkii hore ayaa hayay mas’uuliyada caruurtiisa iyo kuwa la dhashay ee Aabihiis uu ka geeriyooday,

Aabaha dhalay Kabtan Abuubakar waxa uu hore nolosha qoyskooda ka maareyn jiray Miis Hilibka xoolaha lagu iibiyo.