Aug 04 (Jowhar)-Madaxweynaha Puntland Siciid Deni, ayaa maanta qaabilay wafdi ka socda Dowladda Turkiga oo uu hoggaaminayo Safiirka Turkiga ee Soomaaliya Alper Aktaş.
Safarka Waftiga Turkiga ayaa daba socday xiriir muddo u dhexeeyey Puntland iyo Turkiga oo la xariira Markabka MV Sea World iyo shixnadda saaran, iyadoo Dowladda Turkiga ay la wadaagtay Puntland cadeymaha in ay leeyihiin dhammaan hantida saaran.
Puntland oo ka duulaysa cadeymaha ay soo gudbisay Dowladda Turkiga iyo baaritaankii lagu sameeyay Markabka iyo Shixnada uu sido , ayaa go’aansatay in masuuliyada Markabka MV Sea World iyo hantida saaranba lagu wareejiyo Dowladda Turkiga.