Aug 4 (jowhar)-Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mustafa Sheikh Cali Dhuxulow ayaa maanta si rasmi ah u saxiixay.
Habraacyo muhiim ah oo lagu hagaajinayo adeegyada ay hay’addu siiso bulshada, iyada oo ujeedadu tahay in la dardargeliyo hannaanka adeeg bixinta, lana xaqiijiyo hufnaan, isla xisaabtan iyo adeegyo tayo leh oo ku saleysan baahida shacabka Soomaaliyeed.
Munaasabadda saxiixa habraacyadan oo ka dhacday xarunta dhexe ee HSJ ayaa waxaa ka qeyb galay Agaasime Ku-xigeennada Guud, Lataliyeyaasha, Agaasime Waaxeedyada iyo saraakiil sare oo ka kala socday xafiisyada kala duwan ee Hay’adda. Kulankan ayaa muujinayay midnimo iyo ka go’naansho dhab ah oo ku aaddan hirgelinta isbeddelada adeegga.
Habraacyada Adeeg Bixinta ee la saxiixay waxa ay daboolayaan dhammaan adeegyada ay Hay’addu bixiso, waxaana ka mid ah:
• 𝐇𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐝𝐚𝐥𝐛𝐚𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐁𝐚𝐚𝐬𝐚𝐛𝐨𝐨𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐠𝐚 𝐚𝐡
• 𝐁𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐮-𝐠𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐮-𝐣𝐨𝐨𝐠𝐠𝐚
• 𝐌𝐚𝐚𝐦𝐮𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐜𝐝𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐗𝐮𝐝𝐮𝐮𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐬𝐢 𝐥𝐨𝐨 𝐡𝐮𝐛𝐢𝐲𝐨 𝐝𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲𝐚 𝐚𝐦𝐚 𝐤𝐚 𝐛𝐚𝐱𝐚𝐲𝐚
• 𝐌𝐚𝐚𝐦𝐮𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐡𝐚𝐪𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐒𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚
• 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐦𝐮𝐥𝐤𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚
Yaraynta Waqtiga Dalabka Baasaboorka.
Mid ka mid ah tallaabooyinka ugu waaweyn ee ka dhashay habraacyadan cusub ayaa ah yareynta waqtiga lagu dalbanayo laguna helo baasaboorka caadiga ah. Tani waxay si toos ah u saameyn doontaa muwaadiniinta Soomaaliyeed ee doonaya adeegyo degdeg ah iyo kuwa hufan.
𝟏. 𝐃𝐚𝐥𝐛𝐚𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐚𝐬𝐚𝐛𝐨𝐨𝐫𝐤𝐚 𝐂𝐮𝐬𝐮𝐛: 𝐖𝐚𝐪𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐬𝐮𝐠𝐢𝐭𝐚𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐥𝐚𝐠𝐚 𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝟕 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐦𝐨𝐨𝐝, 𝐡𝐚𝐥𝐤𝐢𝐢 𝐮𝐮 𝐦𝐚𝐫𝐤𝐢𝐢 𝐡𝐨𝐫𝐞 𝐤𝐚 𝐚𝐡𝐚𝐚 𝟏𝟓 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐦𝐨𝐨𝐝.
𝟐. 𝐂𝐮𝐬𝐛𝐨𝐨𝐧𝐚𝐲𝐬𝐢𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐁𝐚𝐚𝐬𝐚𝐛𝐨𝐨𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐜𝐚𝐲/𝐋𝐮𝐦𝐚𝐲: 𝐖𝐚𝐪𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐬𝐮𝐠𝐢𝐭𝐚𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐥𝐚𝐠𝐚 𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝟒 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐦𝐨𝐨𝐝, 𝐡𝐚𝐥𝐤𝐢𝐢 𝐮𝐮 𝐦𝐚𝐫𝐤𝐢𝐢 𝐡𝐨𝐫𝐞 𝐤𝐚 𝐚𝐡𝐚𝐚 𝟏𝟎 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐦𝐨𝐨𝐝.
Agaasimaha Guud Mudane Mustafe Sheekh Cali Dhuxulow oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in Habraacyadan ay saldhig u yihiin isbeddelka Hay’addu hiigsaneyno isla markaana ay si cad u dejinayaan hannaan shaqo oo midaysan, hufan, kuna dhisan isla xisaabtan. Waxa uu sidoo kale sheegay in muhiim ay tahay in shacabka Soomaaliyeed ay si sharaf leh, si degdeg ah, oo aan carqalad lahayn u helaan adeegyada ay xaqa u leeyihiin.