Wafdi Kasocda Turkiga oo Kusii Jeeda Boosaaso Si Ay Wada-hadallo Ula Yeeshaan Deni

0
518

Aug 04 (Jowhar) Wafdi heer sare ah oo kasocda dowladda Turkiga ayaa ku wajahan magaalada Boosaaso, xarunta ganacsiga ee Puntland, si ay halkaas uga bilaabaan wada-hadallo muhiim ah oo ay la yeelan doonaan Madaxweynaha Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.

Wadahadallada ayaa la filayaa in diiradda lagu saaro arrimaha ku saabsan markabka Sea World, kaas oo dhowaan lagu qabtay xeebaha Bareeda, kadibna loo wareejiyay gacanta maamulka Puntland.

Sida ilo-wareedyo rasmi ah sheegayaan, wafdiga Turkiga ayaa isugu jira diplomaasiyiin iyo khuburo dhinaca badaha ah, waxayna doonayaan in si dhow looga wada hadlo sharcinimada, lahaanshaha, iyo ujeeddada markabkaasi, iyo sidoo kale xoojinta iskaashiga dhinaca amniga badda.

Wararka hordhaca ah waxay tilmaamayaan in Turkigu uu daneynayo in si shuruud la’aan ah lagu sii daayo markabka oo sifo sharci ah ku socday, waxaa sidoo kale la iska wareysan doonaa sidii loo sii adkeyn lahaa xiriirka kala dhaxeeya Puntland, maadaama gobolkaasi yahay marin istiraatiiji ah oo muhiim u ah ganacsiga iyo ammaanka gobolka Geeska Afrika.